Breadcrumb
Navigation Menu
Helsinki Police In Somali hero
Helsinki Police in Somali – Adeegyadda Boosliiska Helsinki
Booliis ahaan waxa nagu waajib ah anaga oo kaashanayna magaaladda Helsinki, xilhayeyaasha kale, ururadda iyo xaafadahaba in aan sugno ammaanka iyo tayadda magaaladeena.
Xarunta Booliiska ee Helsinki waxay ku taalaa Pasila. Xaruntu waxay qaabishaa dacwad gudbinta, dalabka baasaaboorka iyo kaadhka aqoonsiga iyo dalabyo kaleba.
Booliis ahaan waanu kuu adeegaynaa oo xitaa haddii aanad Af-fiinish, Af-iswiidhish iyo Af-ingiriisi aqoon dhib ah malaha. Turjubaan ku hadlaya luuqadaaddaa ayaad helaysaa. Laakiin marka hore ballan qabso adiga oo isticmaalaya qof ku hadla luuqadda fiinishka.
Waxqabadyadda ka hortagga ah ee Booliiska Helsinki
Ujeedadda ugu muhiimsan ee laga leeyahay waxqabadyadan ka hortagga ah waa ilaalinta amniga iyo in uu jiro dareen amni.
Waxa aanu wax ka qaban doonaa goobaha imika bilaa xasilloonida ah. Dhallinyarada iyo kuwa kale ee rabshadaha wadana waa in caawin loo raadiyaa, si looga hortago danbiyadii ay mustaqbalka gaysan lahaayeen. Dadka aan la kulanaa waxay noqon karaan dad dhibaneyaala ama waxaaba laga yaabaa in ay yihiin kuwo danbiyo galay. Waxa aan sidoo kale wada shaqayn la yeelan doonaa, xafiis dowladeedyadda, ururadda, mujtamacyadda, qoysaska iyo qaybaha barayfadka.
Waxa aan sii xoojin doonaa sidii ay dhalinyarta, dadka ajaanabka iyo mujtamacyadda kaleba u sii aamini lahaayeen ciidanka Booliiska. Waxaan inta badan la kulannaa dad fikir-siyaasigoodu aad xagjir u yahay, dad luuqado iyo dhaqamo kala duwan leh iyo dad kale oo arrimo gaara ku dhexjira. Waxaan rabnaa in aan ka hortagno oo aan wada hadal furan ku dhamayno isku dhaca, iska horimaadka iyo cabsiyadda jidhdilka ama rabshadaha laga qabo.
Sooshal miidhiyadda ayaa laga helaa Booliiska u xilsaaran waxqabadyadan ka hortagga. Saasina run ahaantii waxay sii xoojinaysaa in dhalinyartu Booliiska si fudud ula xidhiidhaan una aaminaan. Waxaan rabnaa in aan suurto gelinno, sidii ay dadku mujtamaca kale wax ula qaybsan lahaayeen. Waxqabadyadan ka hortagga ahi waxay aad u yareeyeen, dhibkii dhallinyartu gaysan jireen, sida jidhdilka xagjirka ah iyo sharafta iyo sumcad baabiinta qofka. Najiitoojin badan ayaa ka soo baxay, markii aan shaqo badan ka qabanay meelihii dhibka iyo qalalaasaha badnaa.
Noocyadda waxqabadyadda ka hortagga ee Helsinki
- Waxqabadkan la magac baxay baroosinka wuxuu yareeyaa danbiyadda dhallinyartu galaan. Waxa wada hadal lala yeeshaa dhallinyarka iyo reerkiisa. Kooxda waxqabadka baroosinka ayaa marka hore qiimaysa dhibaatooyinka reerka oo dhan. Kooxda waxqabadka baroosinka waxa ka mid ah, Booliiska, Sooshal sare, laba qof oo sooshal ah iyo kalkaalisadda daryeelka dhimirka maskaxda. Booliiska, iskuulka iyo dadka qaraabadda ah. Dadka qaraabadda ee dhallinyarka ka war war qaba ayaa soo wargeliya kooxda waxqabadka baroosinka in qof dhallinyar ah u baahan yahay caawintoodda.
- Dhibaatooyinka amni la’aanta xaafadaha waxa lagu xallinkaraa in xafiis-dowladeedyadda, ururadda, iyo dhanka barayfadka lala yeesho xidhiidh wada-shaqayn oo joogto ah. Booliis ahaan waxaan diiradda saarnaa in waxqabadyadu yeeshaan najiito muddo dheer socota. Tusaale ahaan anaga oo isugu jirna, Booliis, shaqaale dowladeed iyo ururo, waxaan wada-hadal iyo dhex gal la yeelanay dhallinyarta iyo waalidadoodda, si aan u xallinno dhibaatooyinkii dhallinyartu xaafadoodda ku keeneen.
- Kuwa amniga khatarta geliya iyo jidhdilka ama rabshadaha xag-jirka ah waa arrimaha Booliisku dabo galo. Dadka noocaas ah ee dhibka war warka leh keenaya, waa lala xidhiidhaa oo Booliisku wuxuu eegaa siida ugu habboon ee arrinkoodda loo xallin karo. Booliisku wuxuu hirgeliyaa sidii ay mujtamacyaddu uga mid noqon lahaayeen waxqabadyadda, si loo sugo ammaanka qofka iyo mujtamaca oo dhan. Shaqada Booliiska waxa sidoo kale ka mida in wada hadal lala yeelan karo kooxaha fikiradda xagjirka ah wata.
Macluumaadka xidhiidhka
Somaliksi 112, rikosilmoitus ja lisätiedot
Goormaad la soo hali kartaa lambarka xaaladda deg degga 112?
Marka ay wax khattar ahi dhacaan la soo hadal lambark xaaladda deg degga 112. Waa marka aad u baahan tahay daryeelka deg degga ee hore, Booliiska, badbaado naf ama soodhal deg deg ah. Xaaladahaasi waxy noqon karaan marka:
- arrinku ku saabsan yahay hubka/xabadda, mindi, jidhdil ama rabshad ka dhacda guriga ama goobaha kalee guud.
- dhicitaan, marka uu qof xoog jidhdil leh ama hanjabaad in uu ku dilo ama jidhdil wata kaaga qaato xoolahaaga.
- dhibaatooyinka xagjirka ah ee qoysaska dhexdoodda ka dhaca, tusaale ahaan in qof ilmaha, hooyadda, aabaha ama xubin reerka ka mida wax ku dhufto
- qof wayn oo qof kale ama ilmo kufsada ama ilmo waxyaabo galmo ku saabsan lagu sameeyo.
Arrimahee ayaad Booliiska uga dacwoon kartaa?
Haddii laga shakisan yahay in dambi dhacay, waa in dacwadda Booliiska loo geeyaa. Qof kasta ayaa dacwadda soo gudbin kara. Waxa suurto gal ah in Booliisku sameeyo dacwad gudbin, haddii Booliisku goobjoog ka yahay goobta danbigu ka dhacay. Danbiyadu waxa noqon karaan tusaale ahaan:
- Rabshad ama jidhdil ka dhaca guriga ama goobaha guud.
- Qof wayn oo kufsada ama fal galmo ku sameeya ilmo ama qof yar oon qaangaadhin. Guud ahaanba waxa danbi ah qofka wayn oo 16-sanno ilmaha ka jar ku sameeya fal galmo.
- Danbiyadda hantitadda qofka ku saabsan, sida baaskeel la xado.
- Rabshadaha ama jidhdiladda ku saabsan sharafta, waa kuwo la odhan karo qof, reer ama qabiil ayaa dareema in sharaftootadda meel lagaga dhacay, markaa jidhdil iyo rabsahado ayey rabaan in ay sharaftoodii ku soo ceshadaan.
- Cabiidsinimo ama isticmaal qof, waa qof raba in uu isticmaalo ama cabiidsado qofka, si uu ugu shaqaysto oo lacag ugu helo. Tusaale ahaan qof la adoonsaday oo shaqo khasab lagaga dhigay ama qaab galmo ahaan ah loo adeegsaday.
- Danbiyadda cadhada, xanaaqa ama nacaybka ah. Waa danbiyadda dad in la naco ku saabsan, sida ummad ama mujtamac inta waxa laga sheeg sheego ama umadda kale lagu diro, si loo naco. Tusaale ahaan ajaanabi-nacayb, yuhuud-nacayb ama qoomiyad nacaybo kale oo ku saabsan jinsiadda dadkaasi.
Faahfaahin dheerad ah
- Faahfaahin dheerad ah - Boggan waxaad ka helaysaa macluumaad-isgaadhsiinta xarunta Booliiska ee kuugu dhow. – Booliis Contact information - Police (poliisi.fi)
- Xafiiska heeganka dhibanaha (RIKU) ulajeedkiisu waa in uu caawiyo dhibanaha iyo ehelkiisa, xarunta ayaa laga siinayaa caawin si fudud lago helo oo ku saabsan kaalintiisa dhibane ee dhanka maxkamadda. : Home - Rikosuhripäivystys (riku.fi)Link to an external websiteOpens in a new tab
- Guryaha ammaanku (turvakodit) waxay dadka ka caawiyaan arrimaha maqaadiirta leh ee dadka ama qoysaska ka dhex dhaca, sida jidhdil, rabshad ama cabsi qoyska dhexdiisa ah. Waxa guryaha ammaanka laga helaa caawin degdeg ah oo xaaladahaas ku saabsan, sida talooyin, hagitaan iyo meel-dajin ku meel gaar ah: The Federation of Mother and Child Homes and Shelters - Ensi- ja turvakotien liitto (ensijaturvakotienliitto.fi)
- Xarunta caawinta ee Seri (Seri-tukikeskus) xarunta caawinta dhibanaha galmadda ama faraxumaynta lagu sameeyey: Seri Support Center for Victims of Sexual Assault | HUS
- Faahfaahin dheeraad ah bogga: Poliisi.fi: